Added by on 2013-04-13

Jimcuhu waa maalin nasasho iyo bajiino. Maalin shaqo, hawl iyo waxbarasho aan midna loo dareerin. Maya, sidaa waa i ahaan jirtay. Illeen inta badan hadda maba soo xasuustee ama waxaan ku baraarugaa uun marka aan soo galo Facebook, ka dib markaan arko dad isugu hambalyeynaya Maalinnimada Jimcaha. Igama ahan inaysan ahayn maalin igu weyn, balse, meeha aan ku noolahay iyo mashaqada ka jirta ayaa sidaa keentay. Waan filaa in badan oo naga mid ah inay duruuftaan la kulmaan ama la kulmeen.

Duhurradii ayaan shaqo ka soo baxay. Waxaan afka soo saaray guriga nin saaxiibkay ah. Sidaa iigama foga, oo haddaan Baska soo raaco waa nusa saacad ka yar. Inaan ballansanayn ka sokow, haddana, maadaama ayba maalinteenna tahay, midkeenna uusan shaqo lahayn, waxay inoo ahayd fursad kale oo aan ku kala warqaadanno ama arrimo dhawr ah aan u wadaagno.

Haddaan gurigii imid, albaabkiina aan ka soo galay, waxaan soo dul joogsaday ninkii saaxiibkay ahaa oo buste ku duuduuban. Waxaan weydiiyey inuu xanuunsan yahay iyo in kale? Iima sheegin wax daran iyo meel laga haayo toona.

Haddaan daqiiqado joogo, ayuu istaagay oo suuliga galay, markuu ka soo baxay, oo uu wali iila muuqdo sidii qof Juucsan oo kale, ayaan mar kale ku iri: “Maanta si baad u baal qoyantehee, maxaa jira?” sidii tii hore oo kale jawaab waafi ah ima siin. Anna waan ka daayey si uusan ii dhibsan haydaarna iiga noqon.

Cabbaar ka dib, qado ayaa naloo keenay. Run ahaan aad u macaaneed. Saaxiibkeey sida caadada ahayd, ee aan ku aqaannay wax uma cunin, cunto yar ayuu cunay. Anoo la yaabban, ayuu yiri: “Cabbaar ma soo luga baxsannaa?” “inta aan Shaah ka cabayo ii kaadi” baan ku iri, oo aan cunatada ka dib badanaaa aan cabbo.

Xoogaa ka dib, ayaan gurigii ka baxnay. Gaari baan qaadannay, markaan Ganjeelka kore ee guriga ka sii baxaynnay, ayuu igu yiri: “Amaad meel u degdegsan tahay?” anna “Maya” baan ku iri. Markaa ayuu yiri, haddaa waxaanba aadi karnaa magaalo noo jirta ilaa 70 KM, qiyaastii saacad iyo bar gaari ah.

Gaarigii ayaan isaga sii dhex sheekaysannay, arrimo bandanna ka wada hadalnay. Qaar si toos ah noo quseeyey, qaar kale si dadban iyo guud ahaan xaalka Waddanku marayo. Waxaan sii xawaaraynaba, waxaan gaarnay magaaladii aan u soconnay. Mise waxaanba hortaaganahay guri aan igu cusbayn araggiisu. Haddaan maanka dib uga shaqaysiiyey, waxaan tagay laba sano ka hor, oon la socday isla saaxiibkaygan.

Aqalkii baan galnay, marxabbayn ka dib, su’aashii ugu horraysay ee saaxiibkay waydiiyey wuxuu ahaa: “Aaway Qaadkii aad iga ballan qaadday?” saaxiibkay inuu Qayilo waan ku ogaa. Taa kulama yaabin, balse, qadiintii saarrayn intaan gurigiisa joognay iyo sida uu xayi firfircoon u noqday markaan gurigii kale soo galnay ayaa isu key qaban waysay?.

Dad qamaama qayliyo dagaal qaadow adigaa leh
Shaluu qaatay maantana qafaal qaadow adigaa leh

Inta garab maray wiilkii guriga degganaa ayuu sii istaagay Balconka guriga. Mise wuxuuba la soo booday Jaad dhawr Marduuf ah, oo Wargays ku duubnaa. Inta uusan kala furin ayaa wiilkii ku yiri: “jaadkaa waa la gatay ee iska dhaaf!” dhag jalaq uma siine, Majin buu boobsiis ku furay, oo kuma ekaane, wuxuu misana la soo booday Boorso Caseed oo Kursi wiil ku jiifay madaxiisa taallay, oo jaad kale ku jiray.

Wuxuu ka xushay Shan Majood. Inta uusan si fiican isugu duwan ayaa waxaa soo yeeray Dawanka guriga. Haddii laga furay waa wiil da’ ahaan aa ku qiyaasay inta u dhexaysa 25-30 jir. Wiilkii guriga deggannaa ayaa inta Jaadkii uu saaxiibkay baxsaday soo qaaday siiyey wiilkii iminka aqalka soo galay, ee ku yiri: “Waa kan Jaadkaagii, ee qaado!” saaxiibkay oo meel laga saraa aysan dhiig lahayn ayaa soo booday, oo wiilkii ku yiri: “Walaal Jaadka anaa iska leh, oo xushaye, ee i sii. Haddaad Jaad rabto waa kane qaado!” M

Malaha waa sheeko ay isla ogaayeen labada wiile, markii laga warramiyey, ee uu dhawr kol dhaar isku jiiday ayaa la siiyey jaadkii. Wuxuu furay Majintii u horraysay, oo guda gulay inuu ruugo oo u raamsado sidii neef Geel ah oo kale. Wax yar ka dib, waxaa billowday muran kale oo la xiriira lacagta Qaadka, is jiijiid ka dib, iga dhin iyo beecu waa go’an yahay, saaxiibkay wuxuu baxshay lacag u dhiganta 70$ oo uu ka baxshay shan Majin oo Qaad ah.

Haddaan arkay inaan dhexda uga jiro, qiso aan dhawaan dhammaanayn, ayaan isku dayey inaan bal xeelad la imaado ah inuusan goobta barraxan, ee uusan jaadka furfuran. Mise hadalkayguba kuma socda, oo aniga unbaa qaylinaye. Saaxiibkay qalbigiisuba ma joogo. Markaan arkay inaan loo caal helayn, ayaan ku iri: “Bal afka ku guroo, naga soo dhaqso, adoo raalli ah!” waa halhayskoodee, “Wax yar ka dib waan baxaynaa” ayuu isku dayey inuu igu qanciyo.

Computer guriga yaallay baan is iri isku mashquuli, mise Internetba ma lahan. Haddana waxaan damcay inaan bal wax iska qorqorto, mise maba lahan Microsoft office. Rajo la’aan ayan noqday, daniba tiriye, waxaan ku qasbanaaday inaan sugo saaxiibkay. Hadduu cabbaar liqliqay ayuu Salaad Casir isu taagay oo afartii rakco iska bixiyey. Haddana u soo fariistay Jaadkiisii.

Ani ahaan waxaan ahay daris la noolaha cudurkan la yiraa “Hiatal Hernia” oo ah nabar caloosha ku samaysma, ka dib marka uu Gaaska ama Laabjeexo qofku ku dillaaco. Dawo ma lahan aan ka ahayn in cuntada aan cunayso aan aad isaga hubiyo, aysan lahaan: Saliid badan, Guduud badan, Basbaas, Shiillayn. Sidoo kale, ma cabbo Coffee [Gaxwo] Ciocolaatada iyo cabitaanka Gaaska leh.

Yaanan idinku xiiqin waxa ii darane, waxaa jira arrin kale oo muhim ah, oo ah in qofka xanuunkan qaba uusan u adkaysan karin waa Gaajadee, oo waliba ay wanaagsan tahay inuu maalintii shan mar wax cuno, oo mar walba wax yar cuno, oo uusan calooshu aad u buuxin.

Haddii xilligii aan wax uun cuni lahaa la gaaray, saaxiibkayga jaadkiisa iska raamsanayo, ayaan Shaah Caddays isku qabtay. Isaga maba u muuqdaan sida wax yihiin, oo wuxuu ku nool yahay caalam kale. Markaan shaahii cabay baan ku iri: “Waxaan baxaynaa saacad iyo bar ka dib” “Haye” ayuu igu yiri. Aniga saacadda ayaan hadba egayaa, oo maba socoto. Isagii halkan ayuu war daldalayaa. Oo afkiisa waxaa ka fanfaniinaya Cawska uu raamsananyo oo ridqan. Madax xanuunka waxaa ii dheer, gaajada igu sii badanaysa. Haddana, kaaga darane, haddaan xanaaqo cudurkani carada uma roona!

Saacaddii aan ballannay markii ay 10 daqiiqo ka dhimmantay baan ku iri qashinka soo duuduub waan baxaynnaaye. Waa caadadoode “Haye” shan daqiiqo ka dib waa baxaynnaa ayuu dhaafi waayey. Aniga shalay ma ahane dorraad ayey iga noqotay, jactadkii aan ka qaaday fadhigii badnaa, hantaaticiisa ee aan ku madax xanuunay, gaajadii oo bogga iga gubaysa, ayaan ku iri ama na keen ama waa kaa tagayaa. Isla jawaabtii hore ayuu ku celshay. Albaabka xaggiisa ayaan inta u dhaqaaqay ku iri: “Haddii aadan na keenayn, anigu waan kaa tagayaa!

Hadduusan meeshiisii ka dhaqaaqin baa albaabka ka degay, wiilkii kale ayaa iga daba yimid oo igu yiri “Anaa istaajinayee, sug!” is jiijiidka ka dib, waa soo istaagay. Gaarigii baan nimid, haddaan wax xoogaa soconnay, ayuu mar qura la soo booday “Indha gashigii baan soo halmaamay” haddana, waa dib u laabo.

Intii aan jidka soo soconnay ayuu meel dhexe mar aan soo maraynno yiri: “Madaxa ayaa i wareeraya” anna waxaan ku iri “Cagaarkii miyaad ku qasantay?” “Ma aqaan ku lahaa, ee lalabbo ayaan dareemayaa!” ayuu ku warcelshay. Anoo dallaan, caajisan, ishu i go’an tahay ayaan xaafaddii soo gaarnay. Hadda, waa iga su’aale: “Wligaa MUQAYIL ma is raacdeen?!” hadday haa tahay maxaad kala kulanteen?.

Haddana, hadduu MUQAYIL ku yiraa aan si raacno, inta aadan ka baqlin, iska weydii, meesha aad aadaysan, waxa aad soo qabanaysa iyo inta aad ku maqnaanaysaan? Haddii kale, Wallee tan igu dhacday ayaa ku sugaysa.

Qormada aan ku soo afmeerayaa gabayga dhaxalgalka iyo taariikhiga ah ee Abwaan Abshir Faarax Nuur “Bacadle” oo la yiraa: “Qaadow adigaa leh” gabayga qaabkii uu isugu xigay isugama xijin, oo waxaan ka soo xushay baydad gaar ah, waxaadse gabayga oo dhan uga bogan kartaa muuqaalkan hoose:

baydadkii aan gabayga idiin kaga soo xulayna waa kuwan:

Boqollaal qorshoo wada qabya ah, Qaadow adigaa leh

Qorya raamso quudkana yaree, Qaadow adigaa leh

Jirkoo qaasha nadarkoo qayiran, Qaadow adigaa leh

Iska qaado qaantana ha bixin, Qaadow adigaa leh
Qayil oo cun reerkiina qadi,
Qaadow adigaa leh
Qaraabo iyo ehel aan latabin,
Qaadow adigaa leh

Qayrkaa shaxaad hana qajilin, Qaadow adigaa leh
Iska qari cidbaa kugu qabsane,
Qaadow adigaa leh
Qabri ka hor qandha aan laga biskoon,
Qaadow adigaa leh

Is qandiiri kana qoomamee, Qaadow adigaa leh
Ibliis qarowga Aadmiga ku qaba,
Qaadow adigaa leh
Qosol iyo qamuunyo isku xiga,
Qaadow adigaa leh
Qasad dhaar ah qawl aan la fulin,
Qaadow adigaa leh
Qur’aan lagu kaftamo qadaf iyo been,
Qaadow adigaa leh

Cimri kuu qorraa qayb ka lumi, Qaadow adigaa leh

Af qashuusha oon cadaygu qaban, Qaadow adigaa leh

Af qallalan Bushima qolof dhacsada, Qaadow adigaa leh
Qasban qayb daroogada ka mida,
Qaadow adigaa leh
Qaflad aan dareenkeed la qabin,
Qaadow adigaa leh

Inoo qaybi aan lagu qancayn, Qaadow adigaa leh

Qurbaha joog adoon hawl ka qaban, Qaadow adigaa leh
Deg deg loo qasaariyo shil qoran,
Qaadow adigaa leh

Qofka daa’imoo qiima dhaca, Qaadow adigaa leh
Waxaad shalayto qabatoo qarriban,
Qaadow adigaa leh

Intuu qadaf qof uun ku hadli karo, Qaadow adigaa leh

Qashin iyo qashaabiir qurmuun, Qaadow adigaa leh

Qatar caafimaad oo qarsoon, Qaadow adigaa leh
Qalbi olol mar qabo oo qaniin,
Qaadow adigaa leh

Afku wuxuusan ii qaban karayn, Qaadow adigaa leh.

Dhammaad.

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

 

Comments are closed.