Added by on 2013-04-20

Caruurta Soomaaliyeed markaad is tidhaahdo la sheekayso, waxaad arkaysaa in ay kuula-hadlayaan qaab baqdin iyo kalsooni darro ay ka muuqato, ilmaha yar wuu fiigsan yahay intaas uu kula hadlayo; wuxuu cunayaa ciddiyihiisa ama madaxiisa intuu fooraarriyo ayuu isku mashquulinnaya cagahiisa, intaas aad la hadlaysid indhahaaga mar kaliya ma soo eegi karo. Hadalkiisa oo dhan waxaa ku jirta (een, een, een…) Haddii aad in-cabbaar ah lasii taagnaato dhidid baaba qoynaya. Haddii aad hadalka ku kululaysana; isma difaacayo ee oohinbuu miciin bidayaa.

Markaad aragtid carruurtan waxaad iswaydiinaysaa: Maxaa keenay kalsooni la’aanta nafsadeed iyo baqdintan xad-dhaafka ah? Adiga oon aad ba ugu kuur galin ayaad si fudud u arkaysaa dhibaatadani halka ay ka timi! Hooyooyinku waxay ku mashquulsan yihiin hawsha guriga iyo cunto u diyaarintooda. Aabbeyasha Soomaaliyeed kuwooda ugu caqliga badan marka ay habeenkii xilli danbe guriga yimaadaan ayay hooyada ku yidhahdaan: “Naa, carruurtu intaanay seexan ka hor si fiican ma u casheeyeen?” amaba intuu ilmaha oo hurda dul yimaaddo ayuu calooshooda taabtaa oo uu eegaa in ay dhargeen iyo in kale! Haddii uu arko in aanay dharagsanayn wuu kiciya oo uu yidhahda: “kaalaya ila casheeya” marka kale ee ay ilmaha iyo aabbehii is arkaan waa; marka uu ilmuhu wax sameeyo (wax bi’iyo), markaasna canaan waxaan ahayn iskuguma yimaaddaan.

Sidaan filayo waalidku wuu dareensan yahay in aanu ilmuhu u baahnayn in caloosha loo buuxiyo oo kaliya, ee uu baahan yahay in caqligana laga dhiso. laakiin waxay ku hallaynayaan Malcaamadaha (dugsi quraanka) in ay ka bartaan dhaqanka wanaagsan! lakiin nasiib xumo iskaba daa in dhaqan wanaagsan ka bartaane waa meesha ay dadnimadu kaga dhimato! alleyle waxa kaliya ee ay ka bartaan waa baqdin uun. waxaa jooga nin gadh weyn oo aan mar kaliya weji furan carruurta ku qaabbilin, malahayga wuxuu ka dab qaadanayaa odhaahda xun, ee dad sidiisa oo kale bilaa naxariisa sameeyey “Caruurta markaad u dhoola caddaysid, dabadooday ku tusaan.”

Ma jiro ama waaba dhif; qof Soomaali ah oo aanay jidhkiisa ka muuqan nabarro uu gaadhsiiyey Macalinkiisi Quraanku! sidaas oo ay tahay haddana bulshadu arrintaas jidh dilka ah kuma baraarugsana, oo waxaa ay odhanayaan: “caruurtu dhangad bay wax ku barataa, ilmuhu waa inuu macallinkiisa ka baqaa…” lakiin fikirkaasi waa khalad oo qofka waxaa wax la bari karaa iyada oo aan sidaa doqonnimada loo garraacin.

Anigu waxaan xusuusta kii gadhka weyna ee Quraanka i bari jiray maalin uu si xun ii garaacay; illaa aan ka miyir beelo ayuu i garraacayay, intuu indha iyo gacmahaba iga xidhay. illaa maanta oo la joogo nabarradii uu maalintaas i gaadhsiiyey jidhkayga way ka muuqdaan, wuxuu igu heystay waxay ahayd (Jimcihii ayaad kubbad ciyaartay!). Taas oo kaliya ma aha ee naxariis laawahaas wuxuu ku takhasuusay sida carruurta loo jidh dilo, maalinna Jinac (wariirri ama dhuxun-kureeb) ayaa dharka hoostiisa naloo galin jiray, maalin kalena ardeyda oo dhan intuu iskugu yeedho ayuu odhan jiray qanjadhuufo (washamsi) kala daala!

Waan qabaa si ay carruurtu wax u barato in la ciqaabo, lakiin ciqaabtu ma aha in carruurta indhaha laga xidho oo lala dhaco dhangad illaa ay ka suuxan. Waxaa lagu ciqaabi karaa iyada oo la yidhaahdo: “Haddii aad casharkaaga ka soo bixi waydo kubbad ma ciyaaraysid. Haddii aad casharkaaga kasoo bixi waydo nac-nac laguuma soo iibinayo. Haddii aad casharkaga kasoo bixi waydo…”

Ugu danbeyntii waxaan farriin hawada u marinayo waalidiinta Soomaaliyeed; waan hubaa inaad ilmihiinna jeceshihiin, laakiin ogaada xayawaankuba ilmihiisa wuu jecelyahay! marnaba haka oggolaanina Nacas gadhka idiinla baxa, inuu carruurtiina dadnimada ka dilo.

W/Q: Cabdixaafid Mowliid

Email: cabdixafid@gmail.com

 

Comments are closed.