Added by on 2014-01-03

Nin gabyaa ah oo falsafadda aad ugu fogaaday ayaa waxaa laga sheegay in sanadkan uu noqon doono sanadkii tusbaxa iyo qaylo-dhaanta. Ninkan waxaa lagu magacaabaa prof. Maxamed Siyaad Togane. Ujeedada ugu weyn ee magac bixintan waxay tahay in dhamaan dadka wax garadka ah ee Soomaaliyeed ay gacmaha is qabsadaan ayagoo Ilaah aaminsan ka dibna ay afka furtaan ayagoo kaalmaysanaya firimbi si ay u yureeyaan cadow guun ah oo dalkii iyo dadkiiba qabsaday. Sida uu prof Togane sheegay, Afarta jiho ee qaariiradda Soomaaliya, waxaa laga bilaabi doonaa tusbax lagu wardiyo iyo foorin cod dheer ayadoo lagu dhawaaqayo “Tuugga ila qabta”. Farriinta uu mudane Togane la wadaagayo shacabka Soomaaliyeed waxay tahay in Tusbax iyo Firimbi lagu xorayn karo dalka la haysto haddii niyad sami iyo Soomaalinnimo la muujiyo.

firimbi

Dad badan oo Soomaali ah ayaa waxay meelaha kaga sheekeeyaan in hanti guryo iyo beero iskugu jira lagaga dhacay dagaalladii sokeeye. Aniga waxaan qirayaa in aan waligey ahaa sabool suxud saaxud ah oo diiratada ka nabad galay maadama aanan yeelanin hanti la iga dhaco. Balse boobkii Soomaaliya ka socday muddada labaatanka sano ka badan, waxaa iga soo gaarey boob ku cusub Soomaalida oo ka xanuunbadan midka hantida muuqata la iskaga dhaco. Maalmahan waxaa soo badanayay in dad aan hal-abuur lahayn ay xadaan qoraallada dadka fara ku tiriska ah ee isku daya in ay qoraallo tayo leh ku qoraan Af-Soomaaliga. Dhacii ugu horreeyay ee noocan ah wuxuu i soo gaaray markii nin aan xishoonayn uu sheegtay in uu qoray maqaal caan ah oo aqristayaashayda ay jecelyihiin oo la magac baxay” Baahida Maskaxda.” Si kadis ah ayaan waxaan ku arkey maqaalkaas oo ku daabacan website Horseed Media. Markaan sii eegay waxaan hoostiisa ku arkey nin sheegtay in uu qoray oo lagu magacaabo Ali Abdullahi Xudeyfa. Waxaan isla markiiba la xariiray maamulka Horseed Media iyo ninkii ku dhiiraday in uu xado qoraal uusan lahayn. Muddo markii aan dhowrayay jawaab waxaan go’aansaday in aan ku biiro Dhaq-dhaqaaqa cusub ee “Tusbaxa iyo Firimbiga” anigoo af labadii daan ku dhawaaqaya “Tuugta ila qabta.” Si aad u aragtid bililiqada la igula kacay eeg qoraalkii asalka ahaa ee “Baahida Maskaxda” iyo midka danbe ee lagu taabsaday (Lagu dhacay) rag waxay xoolo iyo hanti ka lahaayeen! Horseed Media

WQ. Cabdullaahi M. Cawsey

Somali Think Tank

sthinktank@gmail.com

Comments are closed.